Somalia: Guddoonka Barlamanka oo xal ka gaaray mooshinka shirka Jowhar
MUQDISHU- Waxaa maanta la shaaciyay in xal laga gaaray mooshinkii 11-kii bishan ay soo gudbiyeen 42 mudane, kuwaasi oo soo jeediyay in dib loo dhigo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Doodda arrintaasi oo todobaadkii hore Barlamanka Somalia fadhi ka yeesheen ayaa buuq kusoo dhammaaday, kadib markii labo garab oo kala ah; mudanayaasha mooshinka keenay iyo kuwa kasoo horjeeda dhaliyeen buuq iyo sawaxan.
Balse, arrintaasi ayaa lagu dhammeeyay shan qodob kuwaasi oo mid kamid ah dhigayo in Xildhibaanada kasoo jeeda labada gobol "Hiiraan iyo Shabeellaha" oo kaashanay golaha xukuumadda soo xalliyaan tabashooyinka labada dhinac iyagoo loo qabtay 45 cisho.
Go'aankan ayaa la sheegay inay gaareen guddoonka sare ee Barlamanka kuwaasi oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Xildhibaanada Mooshinka keenay, kuwaasi oo horay ugu andacooday inaan waqtigan la unki karin maamul cusub, islamarkaan loo baahanyahay in dib loo dhigyo si loo guda galo arrimaha doorashooyinka Somalia.
Dhinaca kale, waxaa golaha Shabacabka Somaliyeed ka doodeen warbixin ka dhagaysteen guddiga amniga, kuwaasi oo soo bandhigay lix qobad oo ka mid ah sharciga ladagaallanka argagixisada in wax ka badal lagu sameeyo.
Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa oo kulanka shir gudoominayay ayaa sheegay ina laga yeelan doono arrintaasi wada-xaajood iyo dood si waxna looga badalo islamarkaana qodobo lagu daro.
GAROWEONLINE