​Somalia: Gudoomiyaha Barawe oo dhaawacmay

Image

BARAWE- Gudoomiyaha degmada Baraawe gobolka Shabeellaha hoose Xuseen Barre Maxamed "Jeex", ayaa qaba dhaawac fudud oo kasoo gaaray bam gacmeed lakala saari waayay in dhulka lagu aasay iyo in lasoo tuuray.

Jeex, ayaa xilliga uu dhaawacmay kusugnaa xafiiskiisa shaqada, waxaana soo  baxay warar iskhilaafsan oo ku aaddan qaabka falkaasi u dhacay

Sarkaal dhinac amniga qaabilsan oo kusugan degmada Baraawe, ayaa sheegaya in bamka lagasoo tuuray dabaq, wuxuuna xusay in gacanta lagu hayo shakhsigii falkaasi gaystay kaasoo hadda ku xiran xabsi ku yaalla degma xeebta dhacda gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan, ayaa yimi xilli socdaan baaritaano ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kawadaan degmadan oo mudooyinkii dambe ku jirtay gacanta dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM