Gudoomiye Ku-xigeenka Gedo oo Weerar ka Bad-baaday

Image

BAARDHEERE- Wararka aan ka helayno degmada Baar-dheere gobolka Gedo Somalia ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qarax gaari lagu xiray ka bad-baaday gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Shiikh Yuusuf Maxamed(Al-qaadi). 

Al-qaadi oo qaba dhawac fudud ayaa sheegay in qaraxan gaarigiisa loogu xiray, islamarkaana uu qarxay xilli uu ku socday xaafiiskiisa shaqada, wuxuuna tilmaamay inuu wehliyay qof ka mid ah ilaaladiisa. 

Shakhsiyaadka falkaas ka dambeeyay ayuu gudoomiyuhu xusay inay gacanta kusoo dhigi doonaan dadka falkaasi lagu tuhmayo, wuxuuna cadeyay in baaritaanka ka qayb qaadan doonaan ciidamo katirsan AMISOM.

Falkan ayaa yimid kadib markii dhawaan kooxo hubeeysan magaalada Baardheere ku dhaawaceen gudoomiyihii maxkamadda degmadaasi. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM