​Somalia: Hoobiyaal ku dhacay nawaaxiga Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia- Madaafiic ayaa lagu weeraray Xaafaddo ku dhaw Qasriga Madaxtooyadda (Villa Somalia), ee magaalada Muqdishu xilli Maanta halkaasi uu ka furmay shirka Madasha Hogaanka Qaran.

Wararka GO uu ka helayo dad degan xafadaha ku dhaw Villa Somalia, ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 Hoobiye ku dhaceen goobo ku dhaw Madaxtooyada, oo amaankeeda aad loo adkeeyay Maalmahan.

Waxaan wali si rasmi ah loo ogeyn halka laga soo tuurey Hoobiyaasha iyo cidda soo riday, balse waxaa xusid mudan in tiro dhowr jeer ah sidan oo kale madaafiic loogu garaacay agagaarka xarunta looga taliyo Somalia.

Wadooyinka gala Villa Somalia ayaa lagu soo daadgureeyay ciidamo badan, oo Soomaali iyo AMISOM isagu jiro duqeynta kadib, waxaana wali la helin xogta Khasaaraha ka dhashay falkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo beegay Furitaanka Shirka Madasha Hogaanka Qaran, oo ay Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulada uga wadahadlayaan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Fah-faahin filo Goordhow Insha Allah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM