Somalia: Hoobiyaal lagu garaacay Xaafado ka tirsan Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan shan ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, 7 kalena way ku dhaawacmeen hoobiyaal lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, ee xarunta Somalia.

Mid kamida hoobiyaasha wuxuu ku dhacay Iskuul lagu magacaabo Xasan Qariidi, oo ku yaalla Xaafadda shanta-Geed, ee degmada Howlwadaag, waxaana uu dilay 5 qof oo 4 kamid ah arday ahaayeen.

Gaadiidka Gurmadka deg dega Ambalaaska, ayaa durbaba gaarey goobta hoobiyaasha ay ku dhaceen ee Iskuulka ah, iyagoo daadgureeyay dhaawacyada oo la dhigay Isbitaallada magaalada, si loo daweeyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hoobiyaasha laga dhex tuuray isla gudaha Degmada Howlwadaag.

Hoobiyaasha kale waxay ku dhaceen xaafad ku dhaw xarunta Madaxtooyada Somalia ee degmada Wardhigley, mana lasoo sheegin wax khasaaro ah oo ay dadka gaarsiiyeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, oo noqonaya midkii labaad oo mudo Todobaad ah ka dhacay magaalada Muqdishu, oo mudooyinkii dambe ay kusoo kordhayeen falalka ka dhanka ah amniga.

Maalintii Isniintii lasoo dhaafey ayaa sidan oo kale hoobiyaal loogu garaacay xaafad ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ciidamada amniga ay toogteen kuwii weerarkaasi fuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM