Somalia: Howlgal ka socda gobolka Shabeellaha Hoose

Image

BARIRE, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalka, oo taageero ka helaya AMISOM iyo Kumaandooska Mareykanka ayaa saaka weerar ku qaadey Xoogaga Al shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay weerarkooda kuu billaabeen Deegaanka Bariire, oo bishii May lagu diley Askari uu dhashay dalka Mareykanka, kana tirsanaa Navy SEAL, xilli uu ka qeyb-qaadanayay Howlgalka ka dhan ah Al shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa Ciidamo kamid ah Kumaandooska Dowladda Somalia iyo Mareykanka ku daadiyay banaanka Bariire, kuwaasi oo dagaal qaraar kadib kala wareegay Al shabaab deegaankaasi.

Ciidamada ayaa usii gudbay Tuulooyin horleh, oo ay kamid yihiin Janaale, Mubarak iyo Awdheegle, oo lagu soo waramayo inay ka dhaceen dagaal xoogan, oo ay la galeen Malleeshiyada Kooxda Al shabaab.

Wararka Warsidaha GO uu ka helayo gobolka ayaa sheegaya in Ciidamada iskaashanaya ay iska-caabin kala soo kulmeen Janaale, kadib markii Al shabaab ay difaacyo adag ka sameysteen duleedka Deegaanka.

Goobaha sidoo kale dagaalka uu ka dhacayo waxaa kamid ah duleedka Tuulada Toora-toorow, oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in Howlgalka billowday , uu yahay mid sii socon doono, al shabaab looga saarayo deegaanada wali ku harsan gacanta Kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM