Somalia: Howlgallo ka socda Isgoysyadda Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada Xasilinta Caasumadda, ayaa saaka Howlgallo kale ka sameeyayqaar kamid ah Isgoysyada magaalada Muqdishu, iyadoobaaritaan ku sameynaya Gaadiidka Dadweynaha. 

Ciidamada ayaa Baro-koontarool ka sameystay Wadooyinka Makah Almukaramaha , Taleex, KM-4, Dabka, iyo qaar kale, waxayna waydiinaya dadka la socdoGaadiidka Aqoonsiyo iyo Shaqada ay qabtaan. 

Baaritaanada noocan ah, oo ah kuwa ka socdo magaaladaHabeen iyo Maalin, ayaa Saraakiisha waxay sheegayaanin wax badan looga qabtey amniga, islamarkaana ay hoosu dhaceen Qaraxyadii dhici jiray. 

Ciidamada dowladda Somalia ee loo xilsaarey XasilintaCaasumadda ayaa laba jibaaray howlgallada ay ka waddaan wadooyinka magaalada Muqdishu tan iyo markiiay dhalatay Bisha barakaysan ee Ramadan-ka. 

Taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada ay ka hortageendhowr qarax oo Al shabaab qorsheynaysay inay ka fuliyaan Magaalada, iyo dadkii wadey. Wuxuu xusay in dhamaan wadooyinka soo gala Caasumadda la dhigay Ciidamo gaar ah, iyadoo gudahanaay ka socdaan Howlgallo joogto ah oo lagu baaroXaafadaha iyo Goobaha Garaashyada. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mudo-kororsiga Xasan Sheekh oo dhaawacay xiriirka Villa Somalia iyo Deeq-bixiyayaasha

Deeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo dhex-dhexaadiyo dowladda Federaalka, maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 05:44AM

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM