Somalia: Hub lagu soo qabtay Howlgalka Xasilinta Caasumadda

Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia, ayaa sameeyay maanta oo Isniin ah, howlgal Hub kala duwan lagu soo qabtay, kaasi oo ay ka fuliyeen degmooyinka Wadajir iyo Shangaani.

Howlgalka oo qeyb ka ah Barnaamijka Xasilinta Caasumadda, oo dhawaan ay shaacisay Xukuuamadda Ra'iisal Wasaare Kheyre ayaa lagu bartilmaameedsaday Xaafaddo kala duwan, oo laga shakisanaa.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tagey Xaruntii hore ee Xisbiga, ee degmada Wardhigleey, oo lagu soo bandhigay Hubka lasoo qabtay.

Xaruntii hore ee Xisbiga, oo hadda saldhig u ah Ciidamada gaarka ah ee loo sameeyay inay xasiliyaan Muqdishu, ayaa waxaa ka hadlay Yariisow iyo Kheyre, kana warbixiyay Howlgalkii Maanta dhacay.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxay ka billaabeen saaka abaare 6:00am Xaafadda Siliga Ameerikaanka, halkaasina waxay kusoo qabteen 17 Qori oo u badan AK-47, Saddex Bastooladood iyo Tuutaha ciidanka.

Howlgalka ugu ballaaran ayaa wuxuu ka dhacay Guri weyn oo ku yaalla Degmada Shangaani, kaasi oo lagu iibin jirey Hubka dowladda, sidoo kalena Qoryaha looga bedeli jirey Lambarada (Serial Number).

Waxaa sidoo kale ay Ciidamada ka heleen Guriga Waxaabaha Maanka Dooriya, sida Xashiiska iyo Calaqa, oo lagu iibin jirey Goobta, sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Injineer Yariisow.

Ra'iisal Wasaare Kheyre ayaa uga mahadceliyay Ciidamada howlgalka ay sameeyeen, wuxuuna ugu baaqay inay shacabka u adeegayaan aysan dhibaateyn, si dowladda looga aamin bixin.

Ciidamada Howlgalka sameynaya waxay ka kooban yihiin Boolis, Nabad Sugid iyo Military, waxaana loo diyaariyay inay sugaan amniga Muqdishu inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM