Somalia: Iska Hor-imaad ka dhacay magalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Iska hor-imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Federaalka iyo Koox hubaysan, ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdishu, ee Caasumadda dalka Somalia.

Dagaalka ayaa qarxay markii Ciidamo Howlgalka Xasilinta Caasumadda ay isku dhaceen Rag hubaysan, oo aan kamid ahayn Ciidanka dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Goobjoogiyaal ayaa GO u sheegay in labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen Is-rasaaseynta.

Mid kamid ah Dablayda hubaysan ayaa gacanta lagu dhigay, isagoo iyo qorigiisa, iyadoo kuwa kale ay meesha isaga baxsadeen, kuwaasi oo Saraakiisha amniga ay sheegeen inay ku raadjoogaan.

Degmada Wadajir waxaa wali ku sugan Ciidamo qaab Beeleed u shaqeeya, oo Jidgooyo dhigta Gudaha degmada, islamarkaana aan ka amar qaadan dowladda Somalia.

Iska Hor-imaadka ayaa dhacay xilli Hogaamiye Kooxeedka hore Axmed Daaci uu sheegay inuusan Hubkiisa ku wareejin doonin dowladda Federaalka, illaa Al shabaab Hubka laga soo dhigo.

Ciidamada loo xilsaarey Xasilinta Caasumadda ayaa wado maalmahan Howlgallo ballaaran, oo lagu xaqijinayo amaanka Muqdishu, si looga hortago weerarada Al shabaab xilliga Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM