​Somalia: Iska Hor-imaad xooggan oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Mahad Cilmi Maxamed "Mahad Doolar", ayaa lagu soo qabtey Howlgal Caawa  Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ka fuliyeen magaalada Muqdishu. 

Wararka Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Iska Hor-imaad caawa uu ka dhacay Xaafada Beerta  Jaadka ee degmada Hodon, kaasi oo dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Malleeshiyada Mahad Doolar.

Ciidamada ayaa iska-caabin kala kulmay Malleeshiyaada, xilli ay wadeen Howlgallo ay ku baadi- goobayeen Koox hubaysan oo Beerta Jaadka ku dishay Nin katirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay "Madaxeey", waxaana la ogeyn cida ka dambaysa Dilkiisa.

Holwgal lagu soo xiray Mahad Doolar ayaa waxa uu qeyb ka yahay Barnaamijka Xasilinta Caasumadda oo maalmahan ka soconayay Muqdishu, kaasi oo lagu qabtey Hub iyo Walxaha qarxa oo aad u badan. 

Waxaa saaka ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir Howlgal hubka dhigis ah, oo Nin  hubaysan, oo kamid ahaa Koox Isbaaro u taallay halkaasi, taasi Baabuurta lacago baad ah looga qaadi  jirey. 

Tan iyo markii ay curatay Bisha Barakaysan ee Ramadan-ka, waxay dowladda Somalia xoojisay Ammaanka  Muqdishu, iyadoo Ciidamo gaar ah  la dhigay Waddooyinka waaweyn, kuwaasi oo Gaadiidka baara. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM