Somalia: Iska Horimaad Xoogan oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Iska horimaad xoogan ayaa maanta barqanimadii ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdishu, kaasoo dhexmaray ciidamada howlgalka xasilinta Caasumadda iyo malleeshiya hubaysan.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u sheegay in Dagaalka ayaa yimid markii ciidamada Xasilinta ay weerar ku qaadeey malleeshiya hubaysan, oo Isbaaro u taallay xaafadda Kaawo-Gubeey, ee degmada Wadajir.

Wararka ayaa sheegaya in hal askari oo kamid ah ciidamada xasilinta uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta, iyadoo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo malleeshiyada hubaysan, oo xabsiga loo taxaabey.

Ciidamada Xasilinta ayaa sidoo kale howlgallo ka sameeyay Xaafadda Beerta Khaadka, oo ku dhaw Jaamacadda Gaheyr, waxaana ay kusoo qabteen dabley dhowr ah oo ku lebisan Dareeska shacabka.

Dowladda ayaa dib u dardar gelisay lagu sugayo amaanka Muqdishu maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo ciidamada xasilinta ay fuliyeen dhowr howlgal oo lagu soo qabtey dad falal amni darro ka sameynayay Caasumadda.

Tan iyo bishii Ramadaanka waxaa aad u yaraaday qaraxyadii Kooxda Al shabaab ka fulinaysay magaalada, kadib markii ciidamada ay culeys badan saareen sidoo loo nabadeyn lahaa Muqdishu.

GAROWONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM