Somalia: Kheyre oo daah-furey Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisal wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare dalka, oo sanadkiiba mar ay dowladdu qabato.

Imtixaanka oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Somalia, ayaa waxaa u fariistay Arday gaaraysa 23,000 (Labaatan iyo sadex kun), oo ku galaya qaar kamid ah maamullada dalka.

Imtixaanka midaysan, ayaa waxa uu ka dhacayaa ku dhawaad 77 Goobood oo ku yaala dalka, oo aan ku jirin Deegaanada ay maamulaan Al shabaab, Puntland iyo Somaliland.

Meelaha lagu qabanayo Imtixaanka waxaa ka mida Galmudug, Hirshabelle, Gobolka Banaadir, Koofur Galbeed iyo Jubbaland. Dowladda kama aysan hadlin sababta Goobaha kale loogu qaban waayay.

Waa markii 3-aad, oo Imtixaankan ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Somalia, oo 2014 kula heshiisay Dalladaha waxbarashada dalka in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka Dugsiga sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM