Somalia: Kolonyo WFP oo lagu qarxiyay duleedka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay Hay'adda Barnaamijka Cuntada Adduunka "WFP" ayaa lagu qarxiyay duleedka magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia.

Goobjoogiyaal ayaa GO u sheegay in Qaraxa oo ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, taasi oo  lala eegtay gaadiid ay la socdeen shaqaale ka tirsan WFP  oo marayey meel u dhow deegaanka KM-13.

WFP ayaa xaqiijisay in shaqaalaheeda uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarka, waxaana intaasi ay ku dartay in qaraxa miino uu ka dhacay meel 100 Mitir u jira Kolonyada oo galbinayeen ciidamo gaar ah.

Ugu yaraan Labo Askari oo ku la socday Kolonyada Hay'adda WFP ayaa ku dhaawacmay qarax, kaasi oo mas'uuliyadiisu markii dambe ay sheegatay kooxda Al shabaab, ee xiriirka la leh Ururka Al Qaacida.

Saraakiisha WFP ayaa kasoo laabanayay Kaamamka Barakacayaasha ku nool yihiin, ee duleedka Muqdishu, xilliga weerarka, sida ay Warsidaha GO u sheegeen Mas'uuliyiinta deegaanka Tareedishe (KM-13).

Hay'adaha gargaarka caalamiga, ayaa waxay gurmad u sameeyaan dadka kasoo baracakay abaarta ee ku sugan daafaha Muqdishu, kadib markii Al shabaab ka mamnuucday goobaha ay maamusho ee Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM