Somalia: Labo Walaallo ah oo Dil iyo dhaawac loogu geestay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dabley hubaysan, ayaa Labo wiil oo walaallo ah dil iyo dhaawac ugu geestay magaalada Muqdishu, waxaana weerarkan uu noqonayaa midkii labaad mudo saacadaho ah.

Falkaan ayaa ka dhacay xaafadda Nasteexo, kadib markii rag batsoolado watey ay rasaas ku fureen wiilasha isla-dhashay oo lagu kala magacaabo Saney Maxamed Wehliye iyo Mustaf Maxamed Wehliye.

Goobjoogayaal ayaa Warsidaha GO u sheegay in dhalinyarada la weeraray ay Aabahood Geerish ugu soo saareen baabuur nooca Raaxad ah.

Mid kamid ah labada wiil ayaa isla goobta ku geeriyoodey, iyadoo midka kale oo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka Madiina, oo hadda lagu daweynayo.

Saraakiisha Hay’addaha Amniga gobolka Banaadir, ayaa sheegay dableyda falkan gaysatay inay wateen gaari yar oo ay ku baxsadeen, balse lagu raadjoogo.

Aabaha wiilasha la dilay ayaa ah Tagsiile qaadi jiray Odayaashii Xildhibaanada Barlamanka Somalia ee wax kusoo doortey magaalada Jowhar sanadkii tagey.

Sarkaal katirsan NISA ayaa saaka lagu dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana dilkaasi sheegtay Kooxda Al shabaab, oo mudooyinii dambe xoojisay weeraradeeda Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM