​Somalia: Madaxweynaha oo aqbalay danjire cusub

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Uganda u fadhin doona Somalia Danjire Prof Sam Tulya Muhika.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada tababarka ciidammada, tababarka shaqaalaha rayidka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan iyo mahad celin ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Museveni.

Danjire Prof Sam Tulya Muhika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono wadashaqeynta labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM