​Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay London

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta uu dhoofay magaalada London, oo maalinta Khamiista ah uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha Somalia. 

Madaxweyne Farmaajo oo ay ku wehliyaan safarkiisa hogaamiyaasha HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa saaka ka duulay Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska. 

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas oo ku sugan Nairobi ayaa la filayaa inay halkaasi kasii raacaan wafdiga Madaxweyne Farmaajo, ee ka ambabaxay Muqdishu.

Shirka London oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 40 dowladood, Hay'addo caalami ah oo QM ay kamid tahay ayaa waxaa shir gudoomin doono Ra'iisal Wasaaraha UK Theresa May iyo Farmaajo. 

Mudo labo maalmood ah ayuu socon doonaa Shirka London, waxaana diirada lagu saari doonaa waxyaabo ay kamid yihiin amniga, dib u dhiska dalka iyo wax ka qabashada macluusha ka jira Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM