Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu, kadib markii uu kasoo qeybgalay Shirkii London.

Madaxweyne Farmaajo waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan labada Golle ee dowladda, waxaana loo galbiyay Villa Somalia.

Waxaa la filayaa inuu Saxaafada uga warbiyay Safarkiisa UK, iyo Shirkii lagu qabtay London, kaasi oo ay isagu yimaadeen in ka badan 40 dowladood iyo Hay'ado caalami ah oo arrimaha Somalia daneeya.

Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaarey Muqdishu waxaa ku jira qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda dalka.

Intii uu socday Shirka, wuxuu Farmaajo si gaar ah ula kulmay Madax sare, oo ay kamid yihiin wasiirka Difaaca Mareykanka, Ra'iisal wasaaraha Turkiga, Xoghayaha Guud ee QM iyo Madaxweyniyaal kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM