​Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kalfadhiga labaad ee golaha Aqalk Sare

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu furo Kalfadhiga labaad, ee golaha Aqalka Sare.

Furitaanka Kalafdhiga ayaa yimid markii ay Xildhibaanada (Senate) kasoo laabtey Fasax mudo labo bilood ah (May iyo June).

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doono xarunta Aqalka sare ee magaalada Muqdishu, taasi oo uu kaga hadli doono xaaladda dalka uu ku jiro iyo waxqabadkii dowladiisa mudadii ay soo shaqeynaysay.

Mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Xafladda, oo ka dhacaysa Guriga Aqalka sare, oo ku taalla degmada Boondheere, gaar ahaan dhabarka dambe ee xarunta NISA ee Habar Khadiija.

Ammaanka wadooyinka gala xarunta Aqalka Sare iyo Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana lagu daadiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM