​Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kalfadhiga labaad ee golaha Aqalk Sare

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu furo Kalfadhiga labaad, ee golaha Aqalka Sare.

Furitaanka Kalafdhiga ayaa yimid markii ay Xildhibaanada (Senate) kasoo laabtey Fasax mudo labo bilood ah (May iyo June).

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doono xarunta Aqalka sare ee magaalada Muqdishu, taasi oo uu kaga hadli doono xaaladda dalka uu ku jiro iyo waxqabadkii dowladiisa mudadii ay soo shaqeynaysay.

Mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Xafladda, oo ka dhacaysa Guriga Aqalka sare, oo ku taalla degmada Boondheere, gaar ahaan dhabarka dambe ee xarunta NISA ee Habar Khadiija.

Ammaanka wadooyinka gala xarunta Aqalka Sare iyo Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana lagu daadiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM