Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Baydhabo

Image

BAYDHABO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku wajahan saacadaha soo socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirro dhowr ah oo katirsan Xukuumadda, oo ay kamid tahay Dr Maryan Qaasim, wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ayaa ku wehliya Madaxweyne Farmaajo socdaalkiisa Baydhabo.

Wararka aan Baydhabo ka helayno waxay sheegayaan in aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi iyo wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale garoonkaas kasocday fantasiyo baaxad leh oo lagusoo dhaweynayo Madaxweyne Farmaajo.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay inay ku qotonto u kuurgalista xaaladda abaarta iyo amniga Koonfur Galbeed, waxaana kulan arrimahaasi ku saabsan la qaadan doonaa Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waa booqashadii ugu horeysay oo uu Mudane Farmaajo ku tago degmo katirsan Somalia, tan iyo markii lagu doortay Muqdishu sideeda bishii February ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM