Somalia: Markab laga leeyahay dalka Hindiya oo Burcad Badeed afduubtey

Image

Markab xamuul oo ka yimid dalka Imaraadka Carabta magaaladiisa Dubai kuna socdey dalka Yamen dekada la yiraahdo Al Mukala ayaa sida lagu wargaliyey wasaraada arimaha dibada Hindiya waxaa afduubey burcad badeed.

Markabkaan oo laga lahaa dalka Hindiya lana socdeen 11 shaqale ah ayaa sida xogtaan sheegeyso waxaa xoog ku fuuley koox Somali burcad badeed ah ee hubeysan.

Shilkaan oo dhacey 1April, 2017 ayaa darwalkii wadey Markab waxaa uu ku wargaliyey maamulka Dubai in afduub lagu qabsadey.

Afduubkaan ayaa imaanaya kadib markii dhowaan warsidaha GO shaaciyey in koox dabley ah afduubeen dooni kuwa Kaluumeysiga kuwasoo la rumeysnaa in ku doonteen sidii ay ugu qabsan lahaayeen Maraakiib kale.

Falalka burcad badeednimada ka dhaci jirey xeebaha Somalia sanadihii 2010-2012 ayaa u muuqda kuwa dib u soo noqdey kadib markii ay soo kordheen Kaluumeysi sharci daro ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM