Somalia: Murashax Cali Maxamed Geedi oo tanaasulay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha Somalia Cali Maxamed Geedi, ayaa ku dhawaaqay inuu jagaadaas ka tanaasulay kadib xaflad uu ku qabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Mudane Geedi oo Ra'isal wasaare kasoo noqday dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa sheegay inuu joojiyay hankiisii ku aadana inuu Madaxweyne ka noqdo dalka.

Faah faahin dheeraad ah kama bixin sababta uu u tanaasulay, balse waxaa Munaasbadaas joogay Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ah musharax madaxweyne.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli murashaxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia maanta shir ku yeesheen Muqdishu iyagoo uga hadlay arrimo ku aadan doorashada dhacaysa 08 February 2017.

Qorshahan lagama warqabo inay xiriir la leedahay loollanka mas'uuliyiin gaaraya 20 ugu jiraan booskaas.

Dec 17, 2016 Cali Maxamed Geedi, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne, kadib  xaflad uu ku qabtay caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM