Somalia: Murashax Cali Maxamed Geedi oo tanaasulay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha Somalia Cali Maxamed Geedi, ayaa ku dhawaaqay inuu jagaadaas ka tanaasulay kadib xaflad uu ku qabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Mudane Geedi oo Ra'isal wasaare kasoo noqday dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa sheegay inuu joojiyay hankiisii ku aadana inuu Madaxweyne ka noqdo dalka.

Faah faahin dheeraad ah kama bixin sababta uu u tanaasulay, balse waxaa Munaasbadaas joogay Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ah musharax madaxweyne.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli murashaxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia maanta shir ku yeesheen Muqdishu iyagoo uga hadlay arrimo ku aadan doorashada dhacaysa 08 February 2017.

Qorshahan lagama warqabo inay xiriir la leedahay loollanka mas'uuliyiin gaaraya 20 ugu jiraan booskaas.

Dec 17, 2016 Cali Maxamed Geedi, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne, kadib  xaflad uu ku qabtay caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM