Somalia: Nabadoon lagu dilay magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dabley hubaysan ayaa caawa fiidkii ku dilay Muqdishu Nabadoon lagu magacaabi jiray  Shire Jimcaale (Doongaalle), oo la sheegay inuu kamid ahaa Odayaashii soo xulay Xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Somalia.

Goob Joogiyaal ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay Nabadoon Shire ku toogteen Isgoyska Labo Dhagax, xilli uu kusii jeeday gurigiisa oo halkaasi ku yaalla.

Kooxda dilka fulisay ayaa ka baxsaday goobta, kahor inta aysan imaan ciidamada amniga Somalia, oo sameeyay markii dambe baaritaan aan cidna lagu soo qaban, sida ay Goob Joogiyaashu noo sheegeen.

Nabdoon Shire waxa uu kamid ahaa Odayaashii Xildhibaanada kasoo doortay maamulka Galmudug.

Lama oga sababta loo dilay, iyo cida dishay, balse waxa uu dilkiisa qeyb ka noqonayaa dilal Odayaasha loogu geysnayo magaalada Muqdishu mudooyinkii dambe, kuwaasi oo qaarkood sheegeen Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM