Somalia: Nabadoon lagu dilay magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dabley hubaysan ayaa caawa fiidkii ku dilay Muqdishu Nabadoon lagu magacaabi jiray  Shire Jimcaale (Doongaalle), oo la sheegay inuu kamid ahaa Odayaashii soo xulay Xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Somalia.

Goob Joogiyaal ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay Nabadoon Shire ku toogteen Isgoyska Labo Dhagax, xilli uu kusii jeeday gurigiisa oo halkaasi ku yaalla.

Kooxda dilka fulisay ayaa ka baxsaday goobta, kahor inta aysan imaan ciidamada amniga Somalia, oo sameeyay markii dambe baaritaan aan cidna lagu soo qaban, sida ay Goob Joogiyaashu noo sheegeen.

Nabdoon Shire waxa uu kamid ahaa Odayaashii Xildhibaanada kasoo doortay maamulka Galmudug.

Lama oga sababta loo dilay, iyo cida dishay, balse waxa uu dilkiisa qeyb ka noqonayaa dilal Odayaasha loogu geysnayo magaalada Muqdishu mudooyinkii dambe, kuwaasi oo qaarkood sheegeen Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM