Somalia: Nabadoon lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoon, ayaa Caawa magaalada Muqdushu ku dishay Nabadoon Caan ahaa, oo lagu magacaabi jiray ALLAHA u naxariistee Maxamed Tabari Shiiqoow.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay Dilka Nabadoonka, oo ka dhacay Xaafada Suuq Bacaad, ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilka geestay Labo Qof oo Bastoolado ku hubaysan.

Wali lama oga sababta iyo cida ka danbaysa Dilka Nabadoon Maxamed Tabari Shiiqoow, oo ahaa qof si wayn looga yaqaaney degmada Yaaqshiid.

Kooxda Dilka fulisay ayaa Goobta isaga baaxsatay, waxaan markii danbe gaarey ciidamo katirsan Hay'adaha amniga Somalia oo baaritaan aan cidna lagu soo qaban sameeyay.

Muqdushu ayaa Dilalka noocan ah kusoo badanayay mudooyinkii danbe, iyadoo dowladda Waqtigeeda uu dhamaaday hore u balanqaadey inay sugayso nabadgalyada caasimdda xiliga Doorashada dhacayso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM