Somalia: Nabadoono lagu dilay Ceel-Waaq iyo Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Saddex Nabadoon ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmooyinka Ceel Waaq iyo Afgooye, oo ku yaalla gobollada Gedo iyo Shabeellaha hoose, ee Koonfurta Somalia.

Labo kamid ah Nabadoonada ayaa Meydadkooda waxaa laga helay saaka degmada Ceel-Waaq, kadib markii xalay laga afduubay Guryahooda.

Odayga saddexaad waxaa lagu toogtey gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Nabadoonka lagu dilay Afgooye waxaa lagu magacaabi jiray Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ahaa waxgaradka Degmadaasi, waxaana wali la ogeyn sababta dilkiisa ka dambaysa.

Odayaashan oo lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Cabdiraxmaan Ugaas Cali "Damdamle" iyo Macalin Aadan ayaa dableyda hubaysan waxay ku dileen Suuq Buusaar, oo ah Suuqa Geella lagu iibiyo ee degmada Ceel Waaq.

Saraakiisha Ceel Waaq iyo Afgooye waxay sheegeen inay baarayaan dilka Odayaasha. Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyada dilalka.

Al shabaab ayaa inta badan fulisa dilalka qorsheysan ee lagu qaarijinayo Odayaashii soo doortey Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM