Somalia: Nabadoono lagu dilay Ceel-Waaq iyo Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Saddex Nabadoon ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmooyinka Ceel Waaq iyo Afgooye, oo ku yaalla gobollada Gedo iyo Shabeellaha hoose, ee Koonfurta Somalia.

Labo kamid ah Nabadoonada ayaa Meydadkooda waxaa laga helay saaka degmada Ceel-Waaq, kadib markii xalay laga afduubay Guryahooda.

Odayga saddexaad waxaa lagu toogtey gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Nabadoonka lagu dilay Afgooye waxaa lagu magacaabi jiray Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ahaa waxgaradka Degmadaasi, waxaana wali la ogeyn sababta dilkiisa ka dambaysa.

Odayaashan oo lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Cabdiraxmaan Ugaas Cali "Damdamle" iyo Macalin Aadan ayaa dableyda hubaysan waxay ku dileen Suuq Buusaar, oo ah Suuqa Geella lagu iibiyo ee degmada Ceel Waaq.

Saraakiisha Ceel Waaq iyo Afgooye waxay sheegeen inay baarayaan dilka Odayaasha. Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyada dilalka.

Al shabaab ayaa inta badan fulisa dilalka qorsheysan ee lagu qaarijinayo Odayaashii soo doortey Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM