Somalia oo Eriday Hay'ado Turki ah

Image

MUQDISHU- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladdu amartay in la joojiyo adeegyo ay bixin jireen hay’ado lala xiriirinayo, nin ay dawladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey inqilaabka, kaas oo lagu magcaabo Fetxullah Gulen. 

Hay'adahan oo ka shaqaynayey Muqdishu ayay ka mid tahay Nile Academy oo bixin jirtay adeegyo dhinaca waxbarashada ah.

Waxaa kale oo hay’adaha la xiriiray ku jiray kuwo bixiya adeegyo dhinaca caafimaadka ah. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 7 malamood oo ka bilaabanaysa berrito ay dalka kaga baxaan shaqaalaha hay’adahaasi. 

Dawladda ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Turkigu ay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay hay'adaasi sidoodii u socon doonaan, maamul cusub na loo yeeli doono.

VOA

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM