Somalia: Qarax iyo Dilal ka dhacay magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan iyo Dilal kala duwan ayaa ka dhacay Muqdishu Saacadihii lasoo dhaafey, xilli Howlgalka Ciidamada Dowladda ee Xalisinta Caasumadda uu galay Todobaadkii labaad.

Dilalka Galabta illaa caawa ka dhacay magaalada waxay gaarayeen saddex, oo labo kamid ah loo geestay Xubno katirsan Ergadii Gobollada dalka kasoo doorey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Cabdisalaan Cabdullahi, wuxuu kamid ahaa Ergadii Koonfur Galbeed wax kasoo dooratay waxaana lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdishu.

Sidoo kale, Maxamed Abukar oo isna Ergadii Koonfur Galbeed kamid ahaa waxaa lagu dilay Caawa fiidkii Buundada Ansalooti ee degmada Waaberi.

Dilka 3-aad waxaa loo geestay Col. Cabdullahi Cilmi Nuur [Cabdullaahi Raadiyow], oo ahaa Madaxii Gaadiidka Gurmadka Deg Dega (Ambulances), waxaana Kooxo hubaysan ay ku toogteen Siliga Ameerikaanka, oo kamid ah degmada Wadajir.

Kooxaha Dilalkan fuliyay ayaa la sheegay inay dhamaantooda baxsadeen.

Dhanka kale, Qarax ayaa Caawa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Muqdishu, kaasi oo ahaa mid lagu xiray Gaari uu watay Sarkaal hore uga tirsanaa Ciidamada Asluubta dowladda Somalia.

Sarkaalka oo aan wali magaciisa la sheegin ayaa ka badbaaday Isku-day dil ee laguu qaarijin lahaa.

Falalkan ayaa dhacaya xilli dowladda Federaalka ay wado dedaallo lagu nabadeynayo Muqdishu, loogana hortagayo Weerarada isagu jira Qaraxyada iyo Dilalka ee Kooxda Al shabaab xilliga Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM