Somalia: Qarax ka dhacay duleedka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia – Qarax xooggan, oo sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gabal-dhicii maanta waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu.

Qaraxa oo ahaa Miino lagu aasay wadada xiriirisa Muqdishu iyo Afgooye, ayaa haleelay Gaari rakaab ah, nooca loo yaqaano HOMY-da, xilli ay la socdeen Shacab kusii jeeday Caasumada.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in ugu yaraan 3 ruux, oo uu ku jiro Darawalkii Gaariga ay ku geeriyoodeeen qaraxa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Qaraxa waxa uu ka dhacay meel ku dhaw deegaanka Ceelasha Biyaha, gaar ahaan Barkoontarool oo lagu magacaabo Shabeelle, halkaasi oo gaadiidka ku baaraan Ciidamada dowladda Somalia.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas’uuliyada qaraxa, kaasi oo qeyb ka ah qaraxyo Miino oo mudooyinkan dambe kusoo kordhayaan Inta u dhaxaysa Muqdishu iyo Afgooye.

Al shabaab ayaa inta badan fuliso weerarada lagu qaado Kolonyada Gaadiidka Ciidanka dowladda iyo AMISOM ee isticmaala wadooyinka ku yaalla gobolka Shabeeellaha hoosee.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM