Somalia: Qarax ka dhacey magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax Gaari oo xoogan ayaa galabta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia, kaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari uu watey macalin wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha Muqdishu, oo lagu magacaabo Cabdikarim Shiikh Maxamad.

Qaraxa waxa uu ka dhacay wadada Taleex ee degmada Hodon, waxaana ay dhaawac gaarsiiyay Maclinka watay gaariga, iyo labo ruux oo shacab ah oo wadada marayay, waxaana loo qaadey Isbitaallada.

Cabdikarim Shiikh Maxamad ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac culus uu kasoo gaarey qaraxa, islamarkaana uu ku waayay mid kamid ah lugihiisa, sida ay Goobjoogiyaasha u sheegeen Garowe Online.

Lama oga sababta loo bartilmaameedsaday Macalinka, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

Dhowaan ayey aheyd markii ururka Al shabaab digniin u direen ardeyda Iskuulada, Walidiinta iyo macaliimta kuwasoo ay sheegeen in lagu barto waxyaalo diinta Islaamka ogoleyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM