​Somalia: Qarax lagu dilay ciidamo dowladda katirsan

Image

MUQDISHU- Kolonyo katirsan ciidanka dowladda Somalia oo marayay agagaarka deegaanka carbiska ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa haleelay qarax dhulka loogu aasay, waxaana ku dhintay qaar katirsan ciidamada Milateriga halka qaybo kale dhaawac soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa goobta weerarku ka dhacay ku geeriyootay, 2 kalena way ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Askarta weerarka ku dhaawacantay, ayaa loo qaaday magalada Muqdishu halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula soconayo.

Gaariga miinadu la kacday, ayaa kamid ahaa 3 gaadiidka dagaalka ah oo ciidamadu wateen iyagoo kusii jeeday degmada Afgooye.

Weerarkan, waxaa ka hadlay maamulka Shabeellaha hoose, waxayna sheegeen in tiro dadka deegaanka katirsan falkaasi loo soo qabtay, kuwaasi oo lagu tuhmay inay ka dambeeyeen hagidda miinada qaraxday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM