​Somalia: Qarax lagu dilay ciidamo katirsan Booliiska

Image

MUQDISHU , Somalia- Ugu yaraan 2 Askari oo katirsana Booliska Somalia, ayaa ku dhintay, 3 kalena way ku dhaawacmeen Qarax Saakay oo Axad ah ka dhacay magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa Bomb Gacmeed, kaasi oo lagu weeraray Barkoontarool oo ku yaalla meel ku dhaw Isgoyska Ceel-Gaabta, halkaasi oo lagu baaro Baabuurta.

Ciidamada amniga dowladda Somalia ayaa gaarey goobta waxyar kadib Qaraxa, waxaana ay xireen dhowr qof oo ay ku tuhmayaan inay ku lugleeyihiin qaraxaas.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas iyagoo xusay inay ku bartilmaameedsadeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.

Dowladda Federaalka ah ee Waqtigu ka dhammaaday, ayaa lagu dhaliilay waxqabad la'aan dhanka amniga Caasimada iyo guud ahaan dalka, xilli ay dhacayaan Doorashooyinka Baarlamaaniga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM