​Somalia: Qarax lagu qabtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Somalia ayaa saaka qabtey waxyaabaha qarxa kadib howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ku yaalla degmada Waaberi, ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha Hay'adaha Amniga ayaa sheegay in ay qabteen Boorso laga soo buuxiyay ashyaada loo adeegsado qaraxa  oo la dhigay xalay Xaafadda 21-ka October, kaasi oo lala damacsanaa Bar-koontarool oo halkaasi ku taalla.

Dadka Shacabka ah ayaa laga saarey Xafadaha ku dhaw Goobta qaraxa lagu qabtey, iyadoo loo yeeray Khubaro dhanka qaraxyada qaabilsan, oo kala fur-furey waxyaabahaasi qarxa ee Boorsado lagu qariyay.

Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa shaaciyay in Ciidamada ay ka feejigan yihiin  Shirqoolada Al shabaab, islamarkaana kahor tageen dhowr qarax laga fulin lahaa Caasumadda Bisha Ramadan-ka.

Wadooyinka Muhiimka ah ee soo gala Muqdishu waxaa la dhigay Ciidan isku dhaf ah, oo baaraya Gaadiidka ka yimaada Gobollada, iyadoo Gudaha magaaladana uu ka soconaya Howlgallo hubka sharci darrada lagu aruurinayo.

Howlgalka Nabad ku Afur loogu magac-daray ayaa u muuqda mid wax badan ka qabtey amniga Muqdishu, marka laga hadlayo dhanka qaraxyada oo Al shabaab bishan marka la gaaro kodrhin jirtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM