​Somalia: Qaraxyo ka dhacay Buurane iyo Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Labo qarax ayaa xalay ka kala dhacay degmooyinka Buurane iyo Beledweyne ee koonfurta Somalia, kuwaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ka dhacay Goobo Shaah lagu cabo ayaa waxaa ku dhimatay 4 qof, halka 10 kalena ay ku dhaawacmay, kuwaasi oo ay u badan yihiin askar katirsan ciidanka dowladda Federaalka Somalia.

Weerarka Buurane waxa uu dhacay xalay fiidkii, waxaana ku dhaawacmay 10 qof, oo saddex kamid ah ay yihiin Askar, sida uu sarkaal katirsan Booliiska degmadaas u sheegay Garowe Online.

Qarax kale ee Beledweyne, oo ahaa Miino lala eegtay Maqaaxi ay inta fariistaan ciidamada dowladda Somalia waxaa ku geeriyootay afar Askari, halka 6 kalena ay dhaawacmeen.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda labada weerar.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda howlgallo dad badan lagu soo qabtay ka fuliyeen magaalooyinka Buurane iyo Beledweyne, sidoo kalena ay wadaan baaritaan xooggan oo amniga lagu sugayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM