​Somalia: RW oo sheegay in doorashada dib u dhac ku imaan karo

Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya xaaladda dalka iyo doorashada dabayaaqada sannadkan ka dhacaysa Somalia.

Cumar oo ka qayb galay Barnaamij ka baxay TV-ga SN, ayaa ka waramay shirarkii ka dhacay Xamar iyo qorshayaasha  gacanta ku hayaan, wuxuuna tilmaamay inay ku dadaalayaan sidii la isu waafajin lahaa waqtiga harsan iyo shaqooyinka horyaalla.

Wuxuu tilmaamay inay macquul tahay waqti kororsi dhan Labo bilood inay sameeyaan golaha xukuumadda iyo Barlamanka arrinkaasina ka wada hadleen guddoonka golaha shacabiga Somaliyeed.

"Waxaa rajaynaynaa in haddii Barlamanku dhaqso u guda galo u gudbiyo, hadii taas dhacdo waan ku dadaalaynaa inaan waqtiga ku salayno, hadii ay dhaqdo iyadoo la shaqaynayo farsamo ahaan waxyar ku darsamaan dhibaato malaha, laakiin waxaa muhiim ah inaynaan waqti iska qaadin oo aan waqtiga ku salayno. Waa jirtaa arrin guddoonka Barlamanka kawada hadalnay ee ah Labo bil in la siiyo Xildhibaanada.... waana rajaynaynaa inaan waqti badan lumin ee aan 2016 doorashada samayno, "Ayuu yiri Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sharmake, ayaa sidoo kale ka hadlay sharciyada doorashada ee ay u gudbiyeen mudanayaasha Barlamanka Somalia, waxuuna xusay inay rajo wanaagsan ka qabaan sidii loo meelmarin lahaa arrimaha ay soo gudbiyeen.

Arrimo kale oo ku saabsan shirarkii uu ka qayb galay iyo kuwo khuseeya xaaaladda Somalia ayuu ka hadlay Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid.

Balse, arrintan labada bilood ee lagu darayo waqtiga doorashadu dhici lahayd ayaa kusoo aadaya xilli beesha caalamku sheegtay inaysan jiri doonin muddo loogu daro xukuumadda haatan jirta.

                                          HALKAN KA DHAAWO HADALKA RA'ISAL WASAARAHA OO DHAMMAYSTIRSAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM