Somalia: Saldhiga Ciidanka Kenya ee Taabta oo la weeraray

Image

TAABTA, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahaneeda ay weerar culus, ku qaadeen saldhigga Ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanta Taabta ee gobolka Jubbada hoose.

Weerarka oo ahaa mid dhowr jiho looga soo qaadey Saldhiga KDF, ayaa isku bedelay dagaal fool-ka-fool ah oo sababay dhimashada 3 askari oo Kenyan ah, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka Al shabaab.

Dadka ku nool Taabta ayaa sheegay inay maqlayeen qaraxayada iyo rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, islamarkaana ay jireen madaafiic dhowr ah oo kusoo dhacday deegaankooda.

Waxay intaasi ku dareen in ciidamada Kenya ay iska-caabiyeen dagaalyahanada Al shabaab, islamarkaana ay gaarsiiyay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirada aan la ogeyn.

Deegaanka Taabte wuxuu ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley, oo dhamaan hoostaga maamulka Jubbaland.

Wasaarada Difaaca Kenya kama aysan hadlin weerarka saldhiga Taabta iyo sheegashada Al shabaab ee ah inay dileen Saddex Askari, oo qeyb ka ahaa Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Askar badan oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weeraro waaweyn oo Al shabaab ku qaadey saldhigyada Ciidanka Kenya ee Ceel Cadde iyo Kulbiyow tan iyo sanadkii 2016-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM