Somalia: Sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu diley magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia -- Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Militariga dowladda Somalia ayaa waxaa lagu dilay degmada Dharkenley, ee gobolka Banaadir.

Goobjooge la hadlay GO, ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Korneel Geesey Cali, islamarkaana dilkiisa  uu fuliyay mid kamid ah Ilaadadiisa. 

Askariga dilka geestay, ayaa la sheegay in isla Goobta ay ku qabteen ciidamada dowladda Somalia, kadibna ay ku xireen xabsi ku yaallo degmada Dharkeenley. 

Wali lama oga sababta ka danbeysa dilka sarkaalkaan, mana jiro war kasoo baxay  ciidamada maamulka degamada uu falka ka dhacay. 

Dilalka noocan ah, ayaa kusoo badanaya mudooyinkii danbe magaalada Muqdisho, waxaana mas'uuliyada sheegta kooxda Al Shabaab kuwasoo dhexgal ku sameeya ciidmada amniga.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM