​Somalia: Sarkaal Katirsan Nabad-sugidda oo Muqdishu Lagu Dilay

Image

MUQDISHU- Sarkaal katirsanaa hay'adda Nabad Sugidda Somalia ayaa caawa lagu dilay magalada Muqdishu xarunta Somalia gaar ahaan degmada Dharkeynley gobolka Banaadir. Dilka ayaa loo gaystay Taliyahii degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdalla Dabaysha, waxaa la dilay xilli uu watay gaari nooca raaxada ah. 

Lama garanayo cidda dishay, balse waxaa falka gaystay rag Bastoolado ku hubaysnaa kuwaas oo toogashada kadib goobta ka baxsaday. Ciidamo katirsan kuwa amniga Somalia, ayaa goobta tagay iyagoo baaritaan ka sameeyay nawaaxiga lagu dilay taliyaha. 

Majirto cid faah-faahin kabixisay dilka loo gaystay sarkaalkan, marka laga reebo maamulka degmada Dharkaynley oo xaqiijiyay geeridiisa iyo inay baaritaan samaynayaan iyagoo kaashanaya ciidamada ammanka gobolka Banaadir. 

Dilalka noocaan ah, ayaa caado kanoqday magalada Muqdishu, wuxuuna kusoo beegmay xilli xalay, 05 Febrayo qarax lagula eegtay degmada Wadajir sarkaal katirsan hay'ad lagu magacaabo Civil Aviation iyo ruux kale oo weerarkaas ku dhintay, waxaana sarkaalkan oo aanan magaciisa helin soo gaaray dhaawac aan weynayn. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM