​Somalia: Shabaab oo goob Fagaare ah ku dhisay 3 ruux

Image

BAYDHOBO, Somalia- Malleeshiyada Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla gobolka Baay ku toogtay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Mareykanka, Kenya iyo Somalia.

Dilka oo ka dhacay deegaanka Yaaq Baraawe, oo katirsan Baay ayaa waxaa lagu fuliyay Cabdullaahi Daamey Maxamed Nuur oo 36 jir, Max’med Iimaan Xasan oo 42 Jir, iyo Maxamed Shariif Cali 21 jir ah.

Daamey waxay Al shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeyn jiray Sirdoonka Mareykanka (CIA), oo u fududeyn jiray Duqeymaha cirka ah ee ka dhaca deegaanada Al shabaab iyo Dilka hogaamiyaasheeda.

Max’med Iimaan Xasan waxaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Maamulka Jubbaland, halka Maxamed Shariif Cali lala xiriiriyay inuu howl wadeen u ahaa Sirdoonada Militariga dowladda Kenya.

Goobta raggaasi lagu dilayay waxaa joogay shacabka deegaankaas oo usoo daawasho tagay qisaasta dhalinyaradaas.

Maaha markii ugu horaysay Al Shaabab qur-goyso dhalinyaro basaasiin lagu tilmaamay.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinacyada lagu eedeeyay inay la shaqaynayeen saddexdaasi qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM