Somalia: Shaqaale Caafimaad oo lagu afduubtay gobolka Hiiraan

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Shaqaale adeegyo caafimaad oo xoolaha la xariira ka samaynayay gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabeelle ayaa lagusoo waramayaa in maanta la afduubtay.

Shaqaalaha ayaa waxaa kaxaystay koox aan la aqoon haybtooda.

Qafaalashada ayaa ka dhacday meel qiyaastii 10KM u jirta magaalada Baladweyne oo lagu magacaabo Coola-cad.

Dadka la kaxaystay ayaa la sheegay inay katirsanaayeen ururka Xannaanada Xoolaha Goballada Dhexe, kuwaasoo waday adeegyo lagu dabiibayo xoolaha abaaruhu ku dhufteen ee ku sugan gobolka.

Xubin ka mid ah Ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha ee Gobalada Dhexe ayaa VOA u sheegay in ragga la afduubtay oo tiradoodu ay gaareyso ilaa shan qof ay isugu jiraan dhakhtar dhinaca xoolaha ah, kalkaaliye caafimaad, laba arday iyo darawal.

Lama oga cidda kaxaysatay, balse waxaa looga shakisanyahay kooxda Al Shabaab.

Tafaasiil dheeraad ah lagama hayo halka dadkaas lagu hayo, balse wararka qaar ayaa xusaya in dhamaan dadkii laga qafaashay degaanka Caloola-cad la geeyay degaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii 30-KM Beledweyne u jira.

Kooxdan ayaa mamnuucday in adeegyo caafimaad laga sameeyo deegaanada ay ku sugantahay.

Labo maalin kahor ayay sidaan kale u qafaasheen shaqaale caafimaad oo ku sugnaa nawaaxiga degmada Luuq ee gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM