Somalia: Shaqaale Samafal oo lagu dilay Baardheere

Image

BAARDHEERE, Somalia- Dabley hubaysan ayaa xalay ku dishay degmada Baardheere, ee gobolka Gedo Nin kamid ahaa Shaqaale u shaqeeya Hay'adda Gargaarka ee Laanqeerta Cas (Red cross).

Saraakiisha amniga Baardheere ayaa sheegay in Labo qof oo Bastoolado ku hubaysan ay toogasho ku dileen Xuseen Ilyees Cabdi Madoobe, xilli uu kusii jeeday Gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Buulo-Leysaan.

Madoobe wuxuu sidoo kale ahaa Agaasimihii Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee xarunteeda degmada Bardheere, wuxuuna u shaqeynayay Bisha Cas, sida uu GO u xaqiijiyay Col Maxamuud Guhaad Tima-jilac.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Degmada Baardheere oo gaaray halka uu dilku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen, iyagoo gacanta ku dhigeen dhowr ruux, oo looga shakiyay Dilka Madoobe.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada dilka Marxuumka, mana la oga illaa hadda sababta loo dilay.

Laakiin, Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay tuhmayaan Kooxda Al shabaab, oo inta badan ka fulisa degmadaasi iyo guud ahaan dalka Dilalka qorsheysan, oo lagu khaarajinayo shaqsiyaadka wax-galka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM