​Somalia: Wadooyinka Muqdishu oo xiran iyo Saameynta Shacabka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia ayaa xirtay dhamaan waddooyinka Muqdishu, si loo adkeeyay amniga kahor Doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay maalinta Beri ah ka dhacdo xarunta Afisyoni.

Waddooyinka xiran waxay saameyn ballaaran ku yeesheen dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Caasumadda, maadama ay xiranyihiin Goobaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa shaaciyay shalay in aysan jirin doonin maalmaha Talaadada iyo Arbacada wado furan, isagoo shacabka ka codsaday inay sameeyaan dulqaad.

Ciidamado aad u badan, oo isagu jira Soomaali iyo AMISOM ayaa la dhigay jidadaka, oo lagu gooyay Ciid iyo dhagxaan, iyadoo laga mamnuucay istimaalka Gaadiidka dadweynaha, marka laga reebo kuwa Madaxda dowladda.

Ma jiro wax dhaq-dhaqaaq Ganacsi ah, iyo adeegyada kale ee shacabka nolol maalmeedkooda ku xiran, waxaana taasi sii dheer in wadooyinka qaar sida mida aada Afisyonie loo diiday dadka inay lugta ku maraan.

Doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa u tartamayo 22 Murashax, oo ay kamid yihiin Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid, oo loolan aad u adag kala kulmayaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Murashaxiinta ayaa aad walaac uga muujiyay Hanaanka doorashada, oo ay ka digayaan inay ku-shubasho iyo Musuq-maasuq lagu sameeyay codadka Xildhibaanada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM