Wafdi kasocda Jabuti oo gaaray Baladweyne

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE- Waxaa maanta magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu hogaaminayo danjiraha dalka Jabuti u fadhiya Somalia, Dayib Dubbad Rooble, waxaana wehelinayay saraakiil katirsan ciidanka dalka ee Somalia nabad ilaalint au jogaa. 

Soo dhaweyn ayaa loogu sameyay Baladweyne iyagoo kawarbixiyay ujeedka safarkooda, waxayna shegeen inay u socdeen labo qorshe oo midkood ahaa dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe. 

Wakiilka waddanka Jabuti Dubad Rooble, ayaa sheegay in Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuti ka go'antahay qaabkii wax looga badali lahaa amniga Somalia islamarkaana kor loogu qaadi lahaa hormarka iyo kala dambaynta. 

Wuxuu sheegay inay sidoo kale u kuurgali doonaan xaaladda ciidamooda kusugan gobolka Hiiraan. 

Dalka Jubuti, ayaa kamid ah waddamada ciidamadoodu joogaan Somalia ee qaybta ka ah AMISMO, waxaan booqashada Hiiraan kusoo beegmaysa xilli hakad uu kujiro dhismaha maamul loo sameeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waloow uu hakad galay kadib khilaafaad hareeyay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM