Somalia: Wareejinta amniga Muqdishu (Warbixin)
MUQDISHU- Shir dhawaan ka dhacay magalada Muqdishu xarunta Somalia, ayaa laga soo saaray amar ah in sugitaanka amniga caasumadda lagu wareejiyay maamulka gobolka Banadir, kadib weeraro qorshaysan oo ururka Al-Shabaab la beegsadeen goobo muhiim ah.
Qorshahan ayaa siyaabo kala duwan loo arkay, waxaana xeel dheerayaal dhanka amniga iyo shuruucda sheegayaan in sharciyan maamulka Banaadir xaq u leeyahay inay maareeyaan islamarkaana sugaan ammaanka Muqdishu, halka kuwa kale tibaaxayaan in amnigu sugnaan karo marka la helo ciidamo Somaliyeed islamarkaana AMISOM laga wareejiyo xarumaha muhiimka ah.
Korneyl Cabdillaahi Cali Macow oo ah lataliye dhanka amniga dowladda Somalia oo la hadlay VOA, ayaa xusay in gudoomiyaha gobolka Banaadir Sharciyan awood u leeyahay maamulka amniga magalada Muqdishu, taasina ku qorantahay dastuurka dalka u yaalla.
Wasiirka amniga dowladda Somalia Cabdirasaaq Cumar, oo shir jaraa'id kaga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo kulamadii ugu dambeeyay, ayaa cadeeyay in amniga sugistiisa lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna tilmaamay in dowladda Somalia gacan ka gaysanayso qaabkii caasumadda dalka loo xasilin lahaa.
Dhinaca kale Xildhibaano dood ka yeeshay arrinkaasi, ayaa kasoo horjeestay tallaabada amniga lagu wareejiyay, waxayn tilmaameen in taliyaha ciidanka Nabad sugidda awood u lahayd wareejinta ciidankaasi, balse uu kala badali karo hogaanka ciidamada oo qura.
Madaxweynaha Jubbaland oo isna ka hadlayay weerarada ka dhacay magaalooyinka Muqdishu iyo Baydhabo, wuxuuna beesha caalamka ku dhaliilay inay ka gaabiyeen dhismaha ciidan qaran, isagoo taa badalkeeda ku baaqay in goobaha muhiimka ah laga wareejiyo ciidamada AMISOM.
Waxaa xusid mudan in gudoomiyihii hore gobolka Banaadir Gen. Xasan Xuseen Mungaab, uu dowladda Somalia ka codsaday in maamulka amniga lagu wareejiyo gobolka banaadir, waxaase arrintaasi ka dhaga adaygtay dowladda Somalia oo u waqtigaasi u arkaysay inay ku fulantahay xasilinta caasumadda Somalia.
Go'aanka lagu qaatay in amniga lagu wareejiyo waxaa goob joog ka ahaa madaxda dalka ugu saraysa gaar ahaan Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaaraha oo wehelinayaan qaar kamid ah xukuumadda iyo taliyaasha ciidamda iyo nabad sugidda Somalia.
Hoobiyaal lagu tuuray Villa Somalia iyo qaraxyo lala eegtay goobo muhiim ah oo Muqdishu ku yaalla ayaa keentay in maamulka Banaadir loo xilsaaro sugitaan ammaanka, waxaana socda dadaalo looga hortagayo weerarada ururka Shabaab oo uu muuqda kuwa badalay qorshayaashii ay kaga howl gali jireen dalka Somalia.
GAROWEONLINE