Somalia: Wariye qarax lagula beegsadey magaalada Muqdisho

Image

Dec 3, 2015 (GO)- Hindiya Xaaji Maxamad oo ka shaqeyneysay idaacada Muqdishu ee ku hadasha afka dowlada Federaalka ayaa qarax lagu beegsadey gaarigeeda duhurnimadii maanta xilli ay mareysay agagaarka KM4.

Wariyahaan oo dhaawac culus kasoo gaarey qarax lagu rakibey gaarigeeda ayaa u geeryootey galabta makhribkii mid kamid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdishu

AHN Hindiya oo u shaqeyneysay talifishinka SNTV ayaa sidoo kale sanadkii 2012 qarax lala beegsadey lagu diley odeygeeda. Liibaan Cali Nuur ayaa uga tagey Hindiya labo caruur ah.

Somalia ayaa kamid ah wadamada ugu badan caalamka ee lala beegsado wariyeyaasha dilalka iyo xariga sharci darada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM