​Somalia: Wasiir hore Gaashaandhigga oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta qarax lagu xiray gaari lagu dilay ALLAHA u naxariisteen Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay dowladihii Somalia soo maray gaar ahaan xukumaddii Ra'isal wasaare Nuur Cadde. 

Muxadiin, ayaa hadda la sheegay inuu katirsanaa xisbiga siyaasadeed ee Kulan isagoo ku jiray golaha dhexe. 

Mas'uulka dhintay, ayaa lagu dilay Isgoyska KM4 ee magaalada Xamar, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay ruux kale oo gaariga la saarnaa.

Lama garanayo cidda falkaasi gaysatay, balse mudooyinkii dambe waxaa magalada Muqdishu, kusoo badanayay weerarada qorshaysan ee lagu beegsanayo mas'uuliyiinta iyo shacabka.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta weerarku ka dhacay, waxaana socda baaritaan kala duwan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM