Somalia: Wasiir hore oo ku geeriyooday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirkii hore ee wasaaradda Dekedaha dowladda Federaalka Somalia, Nuur Faarax ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, sida ay GO u xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Nuur Faarax ayaa kamid ahaa golahii wasiirrada Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Mas’uulkan dhintay ayaa muddooyinkii dambe ku jiray xaalad caafimaad darro iyadoo la dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada Muqdishu.

Dhawaan waxaa booqday qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda cusub kuwaasoo ALLE uga baryay inuu siiyo caafimaad taam ah.

Marxuum nuur ayaa muddo soo hayay xilkan, kaasoo usoo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Qaar kamid ah saraakiisha dowladda ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkiisa iyo qoyska uu ka dhashay, iyagoo EEBBE uga baryay inuu u naxariistiisa janno ugu deeqo.

Waxaa lagu wadaa in maanta aas-qaran loogu sameeyo magaalada Muqdishu iyagoo la filayo inay duugtaas kasoo qayb galaan saraakiil katirsan golayaasha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM