Somalia: Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia oo tagay Cadaado

Image
Image
Image

CADAADO, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Somalia Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa maanta gaarey magaalada Cadaado.

Wasiir Juxa waxaa Garoonka Diyaaradaha degmadaasi kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Wasiirro, Xildhibaano, Odayaal iyo dadweyne badan.

Ujeedka Safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Cadaado, ayaa ah inuu goobjoog ka noqdo Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug, oo lagu wado inay dhacdo maalinta Berri ah.

Waxaa ku qehliya socdaalkiisa Xildhibaano labada aqal katirsan iyo mas'uuliyiin kale kuwaasoo lagu casuumay inay ka qeybgalaan Doorashada Madaxweyne.

Ammaanka Cadaado ayaa aad loo adkeeyay kahor inta uusan Wafdiga Wasiirka tagin.

Doorashada Galmudug, oo 3 jeer dib loo dhigay, ayaa dhacaysaa, iyadoo aan wali xal laga gaarin khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, sidoo kalena uu fashilmay isku-day ay dowladda dhexe doonaysay inay ku dhex-dhexaadiso.

Saddex Murashax oo kala ah Axmed Ducaalle Geelle Ducaale, Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Prof Cabdiqaadir Shirwac ayaa u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha labaad ee maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM