Somalia: Wasiirrada Waqtigu ka dhammaaday oo qodobo kasoo saaray duqayntii gobolka Mudug

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Shir golaha wasiirrada Somalia ee waqtigoodu idlaaday ku yeesheen magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, waxay kaga hadleen duqayn labo maalin kahor ka dhacday Bariga xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.

Duqayntaas ayaa dood xoog leh dhalisay, kadib markii Galmudug sheegtay in la weeraray saldhig ciidamadoodu ku sugnaayeen, inkastoo Maraykanka iyo Puntland si cad u tilmaameen in howlgalkaas lagu qaaday koox katirsan Al Shabaab oo isku aruursanaysay deegaano katirsan nawaaxiga Galkacyo.

Balse, waxaa arrintaasi maanta ka fariistay wasiirrada Somalia, waxayna la safteen dhinaca Galmudug iyagoo cambaareeyay weerarkii dhacay islamarkaana xukuumadda Washington ka codsaday inay faah faahin waafi ah ka bixiso duqayntii la fuliyay Habeenkii Arbacada.

Golaha xukuumaddu, waxay sheegeen inay sameeyeen Guddi wasiirro ah kuwaasoo loo xilsaaray inay baaraan dhacdada Galkacyo iyagoo tacsi u diray shacabka iyo maamulka Galmudug.

Waxay ku baaqeen in la dajiyo xiisad ay sheegeen inay u dhaxayso maamulka Puntland iyo Galmudug.

Duqayntan ayaa lamid ahayd mid diyaaradaha Maraykanku ka fuliyaan gobollo kamid ah dalka Somalia, kuwaasoo lala beegsado saldhigyo Al Shabaab ku suganyihiin.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KASOO BAXAY SHIRKII GOLAHA WASIIRRADA WAQTIGOODU DHAMMAADAY EE SOMALIA

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM