Somalia: Xiisad dagaal oo ka taagan Bariga gobolka Galgaduud

Image

CEELBUUR, Somalia- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in saaka Xiisad dagaal ay ka taagan tahay degaanka Labi-Caano oo shalay uu ka dhacay dagaal beeleed khasaaro geestay.

Malleeshiyada Labada beelood ee dirirta ay u dhaxayso,  ayaa isku horfadhiya Miyiga degaanka Labi Caano, halkaasi oo laga dareemaayo xaalad kacsanaan ah iyo cabsi ku aadan in markale dagaalka uu qarxo.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha maamulka, ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xalinayo colaadda, sidoo kalena lagu kala qaadayo ciidamada.

In ka badan 6 qof ayaa ku dhimatay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Labi-Caano, oo qiyaastii 45KM u jira magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dagaalka waxaa uu salka ku hayaa muran ka dhashay deegaan daaqsimeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM