Somalia: Xildhibaan dil ka bad-baaday

Image

MUQDISHU- Xildhibaan katirsan Barlamanka Somalia, ayaa caawa fiidkii ka bad-baaday weerar lagu soo qaaday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hodon ee magalada Muqdishu.

Weerarkan, ayaa loo adeegsaday bambaano gacanta laga soo tuuray, waxaana falkaasi ku dhaawacmay 4 qof oo la sheegay inay dhammaantood katirsanyihiin ilaaladda Xildhibaanka oo lagu magacaabo Aadan Ibrahim Dhaayoow.

Qaraxa bambaanada kadib, waxaa rasaas furay ciidamadii goobta ka sugnaa.

Ilaa hadda lama garanayo haybta kooxda weerarka soo qaaday, balse waxaa la xaqiijiyay inuu Xildhibaan Dhaayoow bad-qabo, dadkii dhawacmayna loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Weerarada caynkan, waxaa inta badan ku caan ah kooxda Shabaab, kuwaasi oo beegsada mas'uuliyiinta iyo hal doorka bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM