Somalia: Xubno katirsan Al shabaab oo lagu toogtay Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia qeybta 60aad, ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil ah ku fulisay afar ruux, oo ay sheegtay inay kamid ahaayeen Kooxda Al shabaab.

Maxkamaddu waxay ku eedeysay raggan ay toogatay in ay ka dambeeyeen Qaraxyo ay ku dhinteen dad gaaraya 80 ruux, oo ka dhacay magaalada Baydhabo Bishii February ee Sanadkii hore.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yaroow, Gudoomiyaha Maxkamada Darajada kowaad Xasan Cali Shuute iyo Saraakiil kale ayaa ka qeybgalay Toogashada oo ka dhacday fagaare ku yaalla Duleedka Baydhabo.

Afarta qof ee dilka lagu fuliyay waxaa lagu kala magacaabi jirey  Siyaad Xasan Faarax, Sharmad Aawow Maxamed, Xasan Aadan Mursal iyo Cabdi Ladhiif Macalin Aadan.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa raggan ku xukuntay dil toogasho ah March 12, 2017.

Maalintii sabtida ee lasoo dhaafay, Maxkamadda ciidanka ayaa ku toogatay Muqdishu Askari Booliska Somalia katirsanaa, oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadey oo sanadkii tagey qof shacab ah ku dilay degmada Afgooye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM